“Leonardo Bonucci wuu xoogan yahay, laakiin Mattia Caldara ayaa ku haboon kooxda Milan”…Leonardo

(Milan) 03 Agoosto 2018. Agaasimaha guud ee kooxda AC Milan Leonardo ayaa wuxuu xaqiijiyay in heshiiska ay Juventus isku dhaafsadeen Leonardo Bonucci iyo Mattia Caldara ay faa’iido weyn ku qabto kooxdiisa.

Milan ayaa duhirnimada maanta ee Jimcaha u soo bandhigtay saxaafada labada xidig ay kala soo wareegtay Juventus ee Gonzalo Higuain iyo Mattia Caldara.

Leonardo oo qeyb ka ahaa shirka jaraa’id ayaa wuxuu ka hadlay faa’iidada ay kooxda AC Milan ku qabto heshiiska ay la kagala soo wareegeen Juventus difaaca da’ada yare e Mattia Caldara.

“Leonardo Bonucci waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican caalamka, waana calaamad kubada cagta ah, waana waqtigii la qiimeyn lahaa xaaladaha jira”.

“Bonucci waa xiligan la joogo, laakiin Mattia Caldara waa mustaqbalka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close