Laurent Koscielny oo sheegay xiliga uu doonayo inuu ka dhaqaaqo kooxda Arsenal

(Arsenal) 03 Agoosto 2018. Laurent Koscielny ayaa sheegay inuu isaga dhaqaaqi doono kooxda Arsenal kadib marka uu soo idlaado qandaraaskiisa Ganners.

Koscielny ayaa ilaa iyo haatan ku maqan dhaawacii kasoo gaaray dhanka jilibka taasoo uu xitaa ku seegay koobka aduunka ee 2018. Wuxuuna markan halis galiyay mustaqbalkiisa Gunners.

“Heshiiskeyga kooxda Arsenal wuxuu dhacayaa sanada 2020, dabadeed waxaan ka fekerayaa inaan baxo, lakiin ma aqaano halka aan aadayo”

Si kastaba Laurent Koscielny ayaa kusoo qaatay Arsenal mudo dhan 8 sano, wuxuuna heshiiskiisa dhacayaaa sanada 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close