Halyayga Chelsea John Terry oo ka warbixiyay laacibkii ugu fiicnaa reer Masar uu kaga horyimid Premier League.

(England) 03 Agoosto 2018. Halyayga kooxda Chelsea John Terry ayaa wuxuu shaaca ka qaaday xidigii ugu fiicanaa ee reer Masar uu xirfadiisa kubada cagta uu kula ciyaaray horyaalka Premier League.

John Terry ayaa sheegay in Mido uu yahay laacibkii ugu fiicnaa ee reer Masar uu kula ciyaaray horyaalka Premier League.

“Mido waa weeraryahankii ugu adkaa ee reer Masar aan kahor imaado xirfadeyda kubada cagta, waxaan kahor imid mulamo badan”.

“Waa ciyaaryahan wanaagsan, runtii way adag tahay inaad ka hor timaado si aad u joojiso halistiisa”.

“Mohamed Salah sidoo kale waa ciyaaryahan wanaagsan, tan iyo markii uu ku sugnaa kooxda Chelsea iyo wax qabadkiisa haatan ee kooxda Liverpool”

“Waa wax aad u wanaagsan, waana dagaalyahan ay adag tahay sida lagaga hor tago”.

Si kastaba Mido ayaa lagu xasuustaa inuu kaga soo muuqday horyaalka Premier League maaliyadaha Tottenham iyo Wigan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close