Xiddig ka tirsan Bayern Munich oo soo dhaweeyay inuu ku biiro Barcelona

(Munich) 02 Agoosto 2018 Xiddig ka tirsan kooxda Bayern Munich ayaa soo dhaweeyay in suuqa xaggaagan uu ku biiro kooxda Barcelona.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Arturo Vidal uu soo dhaweeyay inuu ku biiro kooxda Barcelona suuqa xaggaagan.

Image result for Arturo Vidal Barcelona

Barcelona ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Vidal, inkasta oo laacibku uu haatan aad ugu dhaw yahay Inter Milan.

Bayern iyo Inter wali si rasmi ah ugama heshiis saxiixa Arturo Vidal, laakiin waxaa jira in laacibku uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda reer talyaani.

Bayern Munich ayaa diyaar u ah in 30 milyan oo euro ay ku fasaxdo Vidal, Barcelona ayaana doonaysa inay ka dhigto badalka Paulinho.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close