“Waxaan kula dagaalami doonaa Manchester City ku guuleysiga Premier League”… Adam Lallana

(Liverpool) 02 Agoosto 2018. Adam Lallana ayaa aaminsan in Liverpool ay sanadkan heysato ciyaartoy aad u wanaagsan ee ku hogaamiyaan in ay ku guuleysato tartamada kala duwan ay qeybta ka noqon doonaan.

Lallana ayaa aaminsan in Liverpool ay kaga guuleysan karto Manchester City  Premier League, kadib markii ay si rikoorka ay Sky Blues ugu guuleesatay xili ciyaareedkii tagay.

“Waxaan kula dagaalami doonaa Manchester City ku guuleysiga Premier League taasoo horyaalka ka dhigi doonta mid xiiso badan”.

“Waxaan gaarnay dhowr final, laakiin kuma aanan guuleysan, waxaan dooneynaa  inaan talaabo cusub qaadno xili ciyaareedka cusub, si aan wax walba u badalno”.

“Waxaan nahay koox weyn eel eh waayo arag-nimo, waxaan sidoo kale heysanaa ciyaartoy cusub ee sameyn kara is badal xili ciyaareedka soo aadan”.

Liverpool ayaa lasoo saxiixatay suuqan xagaaga xidigaha kala ah Alisson Becker, Xherdan Shaqiri, Fabinho iyo Naby Keïta. Waxaana la filayaa in wax badan ay ka tari doonaan kooxda Reds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close