“Wali waxaan doonayaa Lionel Messi”….Madaxweynaha kooxda Roma James Pallotta

(Roma) 02 Agoosto 2018. Madaxweynaha kooxda Roma James Pallotta ayaa sheegay in wali uu doonayo saxiixa xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

James Pallotta ayaa wali u muuqda mid ka careysan qaabkii ay Barcelona kaga afduubatay saxiixa laacbka reer Brazil Malcolm, kaasoo qarka u saarnaa inuu ku biiro kooxda Roma.

Madaxweynaha kooxda Roma ayaa wuxuu horey u sheegay kadib markii ay Barcelona ku dhawaaqday saxiixa Malcolm in kooxda reer Spain ay ku cafin karaan kaliya inay ku wareejiyaan saxiixa Messi.

“Barcelona waxay naga raali galisay qaabka ay ula saxiixatay Malcolm, laakiin waxaan ku cafin karnaa kaliya marka ay nagu wareejiyaan saxiixa Lionel Messi”.

Laakiin markale madaxweynaha kooxda Roma James Pallotta ayaa wuxuu markale maanta oo khamiis ah bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Wali waxaan doonayaa Lionel Messi”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close