UEFA oo shaacisay garsoorka dhex dhexaadin doono kulanka UEFA Super Cup ee Real Madrid iyo Atletico Madrid

(Yurub) 02 Agoosto 2018. Xiriirka kubada cagra ee qaarada yurub ayaa wuxuu ku dhawaaqay maanta oo khamiis ah magaca garsoorka dhex dhexaadin doono kulanka UEFA Super Cup ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid bartamaha bishan.

UEFA ayaa sheegtay in garsooraha reer Poland ee Szymon Marciniak uu dhex dhexaadin dooo kulanka UEFA Super Cup, kaasoo lagu ciyaari doono stadiums in Estonia.

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ku dagaalami doono kulanka UEFA Super Arbaco 15 bishan August, lana ciyaari doono 22:00 ee saacada geeska Africa.

Tan iyo sanadii 2011 Szymon Marciniak ayaa wuxuu soo maamulay 58 kulan ee tartamada xiriirka kubada cagta ee yurub.

37 jirkan ayaa wuxuu soo dhex dhexaadiyay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay 4 kulan ee Champions League, waxaana ka mid ah kulankii dhex maray kooxaha Tottenham iyo Juventus.

Si kastaba Real Madrid ayaa mari doonta tijaabo rami ah iyadoo aanan qeyb ka ahayn markii ugu horeesay xidigoodii hore ee Cristiano Ronaldo kaasoo kaga biiray kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Sidoo kale kulanka ayaa wuxuu tijaabo rasmi ah u noqon doonaa macalinka cusub ee kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close