Sanadihii hore wuxuu ahaa 31-ka Agoosto balse Sanadkan 9-ka ayaa loo soo raray…(Maxay tahay SABABTA isbadelka wayn loogu sameeyay waqtiga uu xirmayo Suuqa Premier League?)

(England) 02 Agoosto 2018. Haddii aad ogeyd in suuqa kala iibsiga Premier League ee waqtigan oo kale uu xirmi jiray 31 ka bisha Agoosto ku darso xisaabta waa la badelay howshaas oo wuxuu iminka xirmi doonaa 9-ka Agoosto oo ay naga xigto 7 maalmood oo qura.

Isbadelkan wayn ayaa yimid kaddib markii ay kooxaha cabasho wayn ka muujiyeen waqtiga uu xirmayo suuqa, kaddib coddeyn la qaaday ayaa lagu go’aamiyay in la soo hor mariyo waqtiga.

Goorma ayuu xirmayaa Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier League?

Suuqa ayaa sida loo bartay xirmi jiray 31-da bishan, balse sanadkan waa la badelay oo wuxuu xirmayaa  9-ka Agoosto 5pm ee saacada UK.

Waa hal maalin uun ka hor marka uu furmayo xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Horyaalka Ingiriiska ee 2018/19 ayaa furmi doona 10 ka Agoosto maalin Jimce ah, waxaana fooda isku dari doona kulanka koowaad kooxaha  Manchester United vs Leicester City.

Maxay tahay Sababta loo soo hor mariyay waqtiga uu xirmayo Suuqa kala iibsiga?

Kooxaha Premier League ayaa cabasho ka gudbiyay waqtiga, sidaa darteed codeyn la qaaday ayaa lagu go’aamiyay in waqtiga la soo hor mariyo.

Tababarayaasha ayaa madax xanuun ka qaaday waqtigii uu suuqa xirmi jiray ee 31-da bisha Agoosto waayo ciyaartooy dhowr kulan u safatay oo ay ku tashanayaan ayaa ka tagaya waqti dambe.

Sidaa darteed waxaaba la codeeyay inuu Suuqa xirmo inta uusanba horyaalka bilaaban oo aysan ciyaartoyda hal kulan oo horyaalka ah u safan kooxahooda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close