Mattia Caldara oo si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaadka kooxda AC Milan

(Milan) 02 Agoosto 2018. Kooxda AC Milan ayaa shaaca ka qaaday in difaaca da’ada yar ee Mattia Caldara uu ka gudbay tijaabada caafimaadka iyadoo si rasmi ah saxaafada loogu soo bandhigi doono bari oo Jimco ah.

Milan ayaa wadahadalo joogta ah lasoo gashay kooxda Juventus xiliyadii lasoo dhaafay si kaliya ay u hesho saxiixa difaacan da’ada yar ee Mattia Caldara.

Kooxaha Juventus iyo Milan ayaa kuwada heshiiyay inay is dhaafsadaan xidigaha Mattia Caldara iyo Gonzalo Higuain oo u dhaqaaqay garoonka San Siro  iyo Leonardo Bonocci oo dib ugu laabtay magaalada Torino.

Boga rasmigaha kooxda AC Milan ee “Twitter-ka” ayaa waxaa shaaca looga qaaday sawirada difaaca da’ada yar Mattia Caldara ee ku gudi jira baaritaanada caafimaadka,

Caldara ayaa la filayaa in xiliyada soo aadan uu si rasmi ah qalinka ugu duugo heshiiskiisa cusub kooxda Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close