Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis oo raali galin u diray Karim Benzema

(Napoli) 02 Agoosto 2018. Madaxweynaha kooxda reer Talyaani ee Napol Aurelio De Laurentiis ayaa wuxuu ka hadlay sida waalida ah uu u socdo maalmahan dambe suuqa xagaaga.

Aurelio De Laurentiis ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay magacyada ay saxaafada la xiriirineyso kooxda Napoli inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

De Laurentiis ayaa ugu horeyn beeniyay in ay xiriir la sameeyeen weeraryahanka kooxda Paris St Germain Edison Cavani iyo sdioo kale saaxiibkiis Angel de Maria.

Madaxweynaha kooxda Napoli ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay laacibka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema, wuxuuna ka raali galiyay wareysigii uu xili hore kaga hadlay in da’ada uu jiro laacibka reer France  aysan ku habooneen qorshaha kooxda ee xiligan.

De Laurentiis ayaa iska diiday wararka xanta ah ee ku aadan in lala xiriirinayo Benzema, wuxuuna xaqiijiyay in Napoli aysan qorshaha ku darsanin inay la saxiixato xidigaha da’adoodu ay weenaatay, iyadoo la filayo in hadalkaas uu si weyn kaga carooday weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close