Higuain oo kulankiisa ugu horeeya ee AC.Milan ka hortagaya kooxdiisii hore

(Milan) 02 Agoosto 2018 Weerar yahanka reer Argentina ayaa saacadaha soo socda dhamaystiraya ku biiridiisa kooxda AC.Milan.

Gonzalo Higuain ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiraya Milan, iyaga oo wada iibsan kara dhamaadka xiliciyaareedka cusub.

Laacibka ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya kooxdiisa cusub ee AC.Milan, 9-maalin kadib ayuuna kulankiisa ugu horeeya u ciyaarayaa kooxda reer talyaani.

AC.Milan ayaa 11-ka bishaan la ciyaaraysa Real Madrid koobka Santiago Bernabeu, kulankaas ayaana noqonaya kan ugu horeeya ee Gonzalo Higuain uu u ciyaaro Milan, wuxuuna ka hortagayaa kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close