Bonucci oo ka gudbay tijaabada caafimaadka ee Juventus +SAWIRRO

(Turin) 02 Agoosto 2018 Sida ay baahisay Football Italia, Leonardo Bonucci ayaa goor dhaw dhamaystiray tijaabada caafimaadka oo uu u marayay kooxdiisa cusub ee Juventus.
Leonardo Bonucci ayaa haatan isku diyaarinaya inuu qalinka ugu duugo kooxdiisa cusub ee Juventus heshiis 3-sano ah oo sanadkii uu ku qaadanayo 5.5 milyan oo euro.
Laacibka ayaa dhimay 2-milyan oo euro marka la fiiriyo mushaarkii uu ka qaadanayay kooxda AC.Milan oo uu u ciyaaray muddo hal sano ah.
Juventus ayaa saxiixa Leonardo Bonucci uga adkaatay kooxo badan sida PSG, Manchester United iyo Chelsea.
Gool FM