Zico oo talooyin muhiim ah u diray Vinícius Jr, isagoo dhinaca kale u rajeeyay inuu ku guuleysan doono kubada cagta Yurub

(Real Madrid ) 01 Agoosto 2018. Zico oo halyay kubada cagta dalka Brazil ayaa talooyin muhiim ah u diray da’ayarka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Real Madrid Vinícius Jr.

Halyayga reer Brazil ayaa ka codsaday laacibka Real Madrid Vinícius Jr inuu horumariyo qaar ka mid ah xirfadiisa kubada cagta, iyo sidoo kale shuudadkiisa dhanka goolka.

Zico ayaa dhinaca kale tilmaamay inuu si weyn ugu kalsoon yahay awooda xidiga da’ada yar ee reer Brazil isla markaana uu la qabsan doono kubada cagta qaarada yurub.

“Hormar kasta waxaa ku hoos duugan sirta ah in shaqo adag la qabto” ma jirto cid ku dhalaay waxa ay taqaano”

“Waan hubaa in Vinícius Jr uu ku fiicnaan doono yurub, laakiin waa inuu wanaajiyaa shuudadkiisa dhanka goolka”.

“In Vinícius uu noqdo mid qaas ah, waa isla sababta uu Neymar Jr uu u yahay mid qaas ah, xirfadiisa iyo go’aan qaadashadiisa, iyo sidoo kale caqligiisa ku aadan in uu ka gudbo xaaldaha adag ayaa ah arin wanaagsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close