“Waa in Chelsea ay haatan ciyaartaa kubad ku saleysan qorsho weerar”… Ross Barkley

(Chelsea) 01 Agoosto 2018. Ross Barkley ayaa sheegay in qaab ciyaareedka macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri uu ka duwan yahay tababarihii ee kooxda Antonio Conte.

Chelsea ayaa dhawaan shaqada ka fasaxday Antonio Conte, waxayna ku badashay Maurizio Sarri oo isna kasoo dhaqaaqay kooxda Napoli.

Barkley ayaa sheegay in Chelsea wixii xiligan ka dambeeya ay ciyaari doonto kubad ku saleysan qaab weerar kadib imaatinka Maurizio Sarri.

“Waa in aan haatan ciyaarnaa kubad ku saleysan qorsho weerar”.

“Marka aad la shaqeeneyso macalin cusub, waa inaad qabataa shao adag, si uu kaga helo qaab ciyaareedkaada, isla markaana aad sameyso waxa uu doonayo”.

“Maurizio Sarri fikradiisa way ka duwan tahay tan Antonio Conte, waxaana doonayaa inaan wax badan ka barto”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close