Valverde oo mid kamid ah xiddigihiisa si maldahan ugu sheegay inuu ka tago Barcelona

(Barcelona) 01 Agoosto 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si maldahan ugu sheegay mid kamid ah xiddigihiisa inuu ka tago kooxda.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in tababare Valverde uu si maldahan ugu sheegay Paco Alcacer inuu raadsado koox kale oo uu ku biiri karo xaggaagan.

Image result for Paco Alcacer Valverde

Paco Alcacer lama sifin xitaa hal ilbiriqsi kulamadii isku diyaarinta xiliciyaareedka cusub ee kooxdu ay la kala ciyaartay Tottenham iyo Roma.

Wuxuuna noqday laacibka kaliya ee aan garoonka u galin Barcelona dhamaan xiddigaha ka qayb qaadanaya isku diyaarinta xiliciyaareedka cusub.

Tababare Valverde ayaa aad u la dhacsan qaab ciyaareedka Munir El Haddadi kaas oo gool u dhaliyay kooxda kulankii Tottenham, waana sababta uu kooxda uga dirayo Paco Alcacer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close