“Si dhab ah ayaan uga la hadlaynaa Barcelona saxiixa Lionel Messi” – Koox talyaani oo Ronaldo ku jabinaysa Messi!

(Roma) 01 Agoosto 2018 Cristiano Ronaldo ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqay suuqa xaggaagan horyaalka talyaaniga gaar ahaan kooxda Juventus.

Laakiin waxaa soo batay kooxaha talyaaniga ah ee xiisaynaya saxiixa Lionel Messi si tartanka Serie A uu u noqdo mid si wayn loo daawado.

Inter Milan ayaa isbuucii hore lala xiriiriyay saxiixa Lionel Messi, laakiin madaxwaynaha kooxda Roma ayaa markaan sheegay inuu waydiisanayo Barcelona saxiixa laacibka reer Argentina.

Image result for James J. Pallotta Messi

James J. Pallotta ayaa la waydiiyay in kooxdiisu ay samaynayso saxiix la mid ah kan Ronaldo ee Juventus, wuxuuna yiri:

“Roma waxay qorshaynaysaa saxiix wayn, Ronaldo waa laacib cajiib ah, laakiin haddii uu yimid talyaaniga xaalku waa uu ku adkaan doonaa”.

“Ma waxaan soo iibsanayaa laacib wayn? xaqiiqdii si dhab ah ayaan uga la hadlaynaa Barcelona saxiixa Lionel Messi”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close