Sergio Ramos oo markii ugu horeesay gaaray xerada tababarka ee kooxdiisa Real Madrid

(Real Madrid ) 01 Agoosto 2018. Real Madrid ayaa halkeeda kasii wada diyaar garowgeeda ku aadan xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019, waxayna haatan ku sugan tahay dalka Mareykanka.

Shabakada rasmiga ah ee kooxda Real Madrid ayaa lagu shaaciyay in ciyaartoyda Julen Lopetegui ay dib ugu soo laabteen xerada tababarka kadib kulankii Manchester United ee koobka International Champions Cup.

Real Madrid ayaa la kulantay guuldaro 2-1 kulankii International Champions Cup ay kula ciyaareen kooxda reer England ee Manchester United.

Waxaa tababarka saakay ee kooxda Real Madrid lagu dhex arkay kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos, kadib markii uu kasoo laabtay fasaxiisa xagaaga.

Si kastaba Sergio Ramos ayaa la ciyaari doono kooxda Real Madrid xili ciyaareedkiisa 13-aad uu ku qaadanayo Santiago Bernabéu, wuxuuna sidoo kale xiran doonaa calaamada kabtanka xili ciyaareedkiisa 4-aad ee xiriir ah, taasoo ka dhigan tan iyo markii uu baxay Iker Casillas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close