Mateo Kovacic oo sabab la yaab leh darteed u diiday ku biirida Man United

(Manchester) 01 Agoosto 2018 Laacibka reer Croatia ee Mateo Kovacic ayaa sabab la yaab leh darteed u diiday inuu ku biiro Manchester United.

Marca ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay ka gudbisay Mateo Kovacic lacag dhan 60 milyan oo euro, laakiin laacibka ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Mateo Kovacic ma doonayo inuu u ciyaaro Man United maadaama uu ogyahay in qaab ciyaareedka kooxda tababare Jose Mourinho uu yahay mid aan ku haboonayn isaga.

24 jirkaan diyaar ayuu u yahay inuu ka tago Real Madrid suuqa xaggaagan, laakiin madoonayo inuu aqbalo dalabka ka soo gaaray Man United oo uu u arko koox aan ku haboonayn.

Chelsea iyo Manchester City ayaa sidoo kale qayb ka ah tartanka saxiixa Mateo Kovacic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close