Juventus iyo AC.Milan oo ugu danbayn heshiis wada gaaray (Higuain oo maraya dhanka Milan iyo Bonucci oo maraya dhanka kale)

(Milan) 01 Agoosto 2018 Kooxaha AC.Milan iyo Juventus ayaa ugu danbayntii wada gaaray heshiis kadib wadahadal socday muddo 4-maalin.

Wariyaha reer talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in kooxaha Milan iyo Juventus ay islameel dhigeen inay is dhaafsadaan 3-laacib.

Kooxahaan ayaa isla meel dhigay inay is dhaafsadaan Leonardo Bonucci iyo Mattia Caldara oo kala maraya labada dhinac.

Heshiiska waxaa qayb ka ah in Gonzalo Higuain uu amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiro dhanka AC.Milan iyaga oo wada iibsan kara sanad kadib.

Saacadaha soo socda ayeeyna labada kooxoodba shaacin doonaan saxiixyada 3-daan laacib.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close