Bonucci oo qaadaya tilaabtaan si uu uga garab ciyaaro Cristiano Ronaldo!

(Milan) 01 Agoosto 2018 Kabtanka kooxda AC.Milan ee Leonardo Bonucci ayaa aqbalay inuu dhimo mushaarkiisa si uu ugu biiro Juventus.

Football Italia ayaa daaha ka qaaday in Leonardo Bonucci uu diyaar u yahay inuu dhimo 2-milyan oo euro oo mushaarkiisa ah si uu ula midoobo Cristiano Ronaldo.

Image result for Bonucci Juventus Milan

Leonardo Bonucci ayaa kaliya hal sano ka maqan kooxda Juventus, wuxuuna haatan doonayaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore.

31 jirkaan ayaa ka qaata AC.Milan lacag dhan 7.5 milyan oo euro sanadkii, wuxuuna diyaar u yahay inuu dhimo mushaarkaas oo sanadkii uu qaato kaliya 5.5 milyan oo euro si uu markale u xirto maaliyada Juventus.

Kooxaha Milan iyo Juventus ayaa meel fiican marsiinaya heshiiska 3-geesoodka ah ee uu qaybta ka yahay Leonardo Bonucci.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close