“Waxaan nahay bini’aadam, qof walbana wuxuu leeyahay ceybo u gaar ah”…Hooyada dhashay Neymar oo si weyn u difaacday wiilkeeda

(PSG) 31 Luulyo 2018. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa ka helay fariin ay ku garab istaageyso hooyadiis, kadib markii uu la kulmay eedeymo kala duwan. Kadib koobka aduunka 2018.

Nadine Gonçalves ayaa kusoo qortay barteeda rasmiga ah ee “Inistigram-ka” kusoo qortay maanta oo Talaado ah fariin ay ku caawineyso wiilkeeda Neymar Jr.

“Inta badan, nolosheena, riyada iyo hamigeena uma socdaan sida aan rabnay”.

“Ka hooyo ahaan, waxaan dareemayaa murugo marka qof uu si xun kaga hadlo canugeyga”.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in qof walba uusan garaneynin ilaa iyo magaca Neymar Jr, laakiin shaqsi ahaan, shaqiyaad yar ayaa si wanaagsan u garanaya dabeecadihiisa, waxaan nahay aadane, qof walbana wuxuu leeyahay ceybo u gaar ah”.

Hooyada dhashay Neymar Jr ayaa waxay hadalkeeda kusoo xirtay fariinteedan “Neymar…inbadan ayaan ku jeclahay, mar walbana waxaan taagnaan doonaa garab kaaga, waxaad tahay wiilkeyga dagaal yahanka ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close