RASMI: Arsenal oo heshiis ka saxiixday da’yarkeeda cajiibka ah ee Emile Smith Rowe

(London) 31 Luulyo 2018 Arsenal ayaa heshiis cusub ku abaal marisay laacibkeeda u soo baxay sanadkaan ee Emile Smith Rowe.

18 jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kulamada isku diyaarinta xiliciyaareedka cusub ee Arsenal.

Gool cajiib ah ayuu ka dhaliyay Atletico Madrid khamiistii hore, sidoo kale wuxuu caawiyay mid kamid ah 5-tii gool ee Arsenal ay uga adkaatay kooxda PSG sabtigii.

Arsenal ayaa goor dhaw baahisay inay heshiis waqti dheer ah ka saxiixday Emile Smith Rowe kaas oo la filayo inuu boos ka helo safka hore ee kooxda xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close