Muxuu ka yiri Jose Mourinho macalinka kooxda Chelsea Maurizio Sarri?

(England) 31 Luulyo 2018.Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wareysi uu la yeeshay Shabakada “Sports Sports” ee dalka England  wuxuu kaga hadlay xaalada Red Devils iyo safarkooda ku aadan dalka Mareykanka.

Jose Mourinho ayaa waxaa laga weydiiyay fikirkiisa kaga aadan macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri, maadaama uu xumaa heshiiska kala dhexeeyay macalikii hore Blues Antonio Conte.

Antonio Conte ayaa dhawaan laga ceyriyay shaqda uu ka hayay kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea, maadaama uu xumaaday heshiiska kala dhexeeyay maamulka sare Blues.

Jose Mourinho ayaa su’aasha la weydiiyay wuxuu kaga jawaabay: “Ma aqaano shakhsi ahaan”.

“Laakiin la socdau shaqadiisa kooxda Napoli, runtii waa arin cajiib ah in macalimiin waaweyn ay xilli ciyaareedkan doonayaan inay ka shaqeeyaan horyaalka Premier League dabcan waan kan ugu adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close