Leonardo Bonucci oo la filayo inuu seego kulanka caawa ee Tottenham

(Milan) 31 Luulyo 2018 Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya talyaaniga, kabtanka kooxda AC.Milan ee Leonardo Bonucci ayaa la filayaa inuu seego kulanka caawa ee Tottenham.

Kooxaha AC.Milan iyo Tottenham ayaa wada ciyaaraya Caawa 3:30 AM ee waqtiga bariga Afrika, Leonardo Bonucci ayaana seegaya kulankaas.

31 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Juventus, waxaana la sheegayaa inuu u safrayo Torino haddii labada kooxood ay isla gaaraan heshiis rasmi ah.

Wadahadalada Milan iyo Juventus ayaa wali ah kuwo socda, laacibka ayaana ku jira diyaar garow uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore saacadaha soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close