Julen Lopetegui oo u sheegay Real Madrid in la dadajiyo saxiixa laacib kaan

(Madrid) 31 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa kooxdiisa ku wargaliyay in la dadajiyo saxiixa weerar yahan uu aad u doonayo.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in tababare Julen Lopetegui uu ku wargaliyay maamulka Real Madrid in la dadajiyo saxiixa Mauro Icardi.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay ku qarash garayso saxiixa Icardi lacag dhan 100 milyan oo euro inkasta oo qandaraaskiisa Inter lagu burburin karo 110 milyan oo euro.

Kooxda reer Spain ayaa diyaar u ah inay wadahadal la gasho Inter maalmaha soo socda si ay ugu qanciso in saxiixa laacibka lagu dhameeyo kaliya 100 milyan oo euro.

Real Madrid ayaa qaadaysa tilaabtaan kadib markii ay ku guul daraysatay saxiixyada Harry Kane, Robert Lewandowski iyo Edinson Cavani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close