Waxaan kala hadlay Edinson Cavani dhawaan taleefan, wuxuuna u muuqday inuu ku farasan yahay halkan”…Thomas Tuchel

(PSG) 30 Luulyo 2018.Tababaraha Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in Paris St Germain ayaa wuxuu ka warbixiyay go’aankiisa kaga aadan mustaqbalkiisa kaga aadan Edinson Cavani.

Edinson Cavani ayaa xiliyadii lasoo dhaafay lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Napoli inta lagu jiro suuqan xagaaga.

Macalina kooxda Paris St Germain Thomas Tuchel ayaa wuxuu kala hadlay saxaafada mustaqbalka Edinson Cavani iyo wararka ku aadan in uu dib ugu laabanayo horyaala dalka Talyaaniga.

“Waxaan rabaa Edinson Cavani inuu sii joogo xilli ciyaareedka soo socda, Ilaa iyo hada, cidna iima sheegin inuu doonayo inuu baxo laakiin waan hubaa inuu sii joogi doono”

“Ma jiro wax faallo ah oo ku saabsan wararkan, waxaan kala hadlay isaga dhawaan taleefan, wuxuuna u muuqday inuu ku farasan yahay halkan, waa ciyaaryahan muhiim inoo ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close