“Ujeedka Barcelona waa mid weyn, laakiin waxaan bar-tilmaameed ka dhiganeynaa hal arin”… Philippe Coutinho

(Barcelona) 30 Luulyo 2018. Xiddiga reer Brazil Philippe Coutinho ayaa wuxuu ka warbixiyay ujeedka koowaad ee kooxda Barcelona xili ciyaareedka cusub ee 2018-2019.

Wargeyska “Sport” ayaa wuxuu sheegay in Philippe Coutinho uu kahor xaqiijiyay saxaafada in ku guuleysiga koobka Champions League uu yahay ujeedka ugu weyn kooxda Barcelona xili ciyaareedka cusub.

“Champions League-ga waa tartan weyn, waxaana rajeynayaa inaan maalin uun ku guuleysan doono, waxaan diyaar u nahay inaan wax walba ku guuleysano”.

“Barcelona waxay lasoo saxaiixatay saddex xidig cusub, laba ka mid ah waxay u dhasheen Brazil, waana hubaal inay naga caawiyaan wax badan, rajadeena ugu weyn waa inaan ku guuleysano koobab”.

Si kastaba Coutinho ayaa wuxuu kusoo biiray garoonka Cump Nou suuqii bisha January ee lasoo dhaafay, kadib markii uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Liverpool aduun dhan 120 million euros.

Laakiin laacibka reer Brazil ayaa ilaa iyo haatan kala qeyb galin kooxdiisa Barcelona tartanka Champions League, sababa la xiriira in uu kulamada heerka group-yada uu kala soo qeyb galay kooxdiisa hore ee Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close