Sokratis Papastathopoulos oo siiyay talo ku saabsan magaciisa ciyaartoyda iyo taageerayaasha Arsenal!

(London) 30 Luulyo 2018 Daafaca dalka Giriiga ee dhawaantaan ku biiray Arsenal ayaa talo ku saabsan magaciisa siiyay ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxdiisa.

Marka laga soo tago magaciisa hore, kan dambe ayaa aad u adag in qof walba oo ku dhawaaqo, wuxuuna sheegay qaab qof walba u fudud.

Laacibka ayaa u sheegay ciyaartoyda iyo taageerayaasha Arsenal inay ugu yeeraan kaliya Sokratis maadama uu yahay magac fudud.

Wuxuuna intaa ku daray in qofkii aan awoodin inuu Sokratis ugu yeero inuu ugu wici karo Papa oo ah bilowga magaciisa labaad.

“Waxaan jeclahay in la eegu yeero Sokratis waayo waa magac aad ugu fudud taageerayaasha” ayuu yiri Sokratis Papastathopoulos.

“Bal u fiirso sida ay u adag tahay in laacib uu i dhaho Papastathopoulos midig u dhaqaaq ama bidix, sidaas darteed iigu yeera Papa ama Sokratis”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close