Miralem Pjanic oo shardigaan ku xiray sii joogitaan kiisa Juventus

(Torino) 30 Luulyo 2018 Kubadd abuuraha kooxda Juventus iyo xulka Bosnia ee Miralem Pjanic ayaa shardi ku xiray inuu sii joogo kooxdiisa suuqa xaggaagan.

Miralem Pjanic ayaa dalabyo kala duwan ka helaya kooxaha Barcelona, PSG, Chelsea iyo Manchester City oo tartan ugu jira saxiixiisa.

Maamulka Juventus oo isku dayaya inay sii haystaan Miralem Pjanic ayaa ka codsaday inuu saxiixo heshiis cusub.

Laakiin laacibka ayaa u sheegay kooxda reer talyaani inay siiyaan mushaar dhan 7 milyan oo euro sanadkii haddii ay doonayaan inuu u saxiixo heshiis cusub sida uu baahiyay Corriere dello Sport.

28 jirkaan ayaa haatan ka qaata kooxda Juventus mushaar dhan 4.5 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close