Madaxwaynaha Napoli oo sheegay hal sabab oo ku kaliftay inuu cayriyo Maurizio Sarri

(Naples) 30 Luulyo 2018 Madaxwaynaha kooxda Napoli ayaa daaha ka qaaday sababtii ugu waynayd ee uu u cayriyay Maurizio Sarri.

Tababaraha reer talyaani ayaa lagu badalay Carlo Ancelotti, waxaana durba la wareegtay kooxda Chelsea oo uu u saxiixay heshiis 3-sano ah.

Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay in Sarri uu yahay tababare ku tiirsan kaliya hal shax xiliciyaareedka oo dhan sidaas darteedna uu uga diray kooxdiisa.

“Haddii aad haysato ciyaartoy lagu burburin karo qandaraaskooda wax ka badan 60 milyan oo euro isla markaana aadan ciyaarsiinayn markaas waxaad burburinaysaa naftaada iyo kooxdaba” ayuu yiri Aurelio De Laurentiis.

“Sarri ma ciyaarsiin ciyaartoy badan, wuxuu ku tiirsanaa kaliya 12 ilaa 13-laacib xiliciyaareedka oo dhan, taasina ma ahan mid u wanaagsan tartanka koobabka oo idil”.

“Waxaan dareemay inuu dhamaaday waqtigii Sarri ee Napoli, wuxuu ii sheegay inuusan hubin inuu natoojo fiican ku keenayo ciyaartoyda uu haysto haatan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close