Florentino Pérez oo ka laaban doona raacdada Hazard si uu ula saxiixdo bar-tilmaameedkii hore Real Madrid

(Real Madrid) 30 Luulyo 2018. Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Pérez ayaa u muuqda inuusan waqti badan ku qasaarin doonin raacadada uu ugu jiro saxiixa Eden Hazard.

Real Madrid ayaa quus ka taagan raacadada ay ku dooneyso saxiixa Eden Hazard, maadaama macalinka cusub ee kooxda Chelsea Maurizio Sarri uu doonayo in laacibkiisan uu kusii heysto Stamford Bridge.

Maamulka Los Blancos ayaa waxay doonayaan inay helaan saxiixa xidig qaas ah si ay kaga dhigtaan badalka Cristiano Ronaldo oo suuqan xagaaga kaga biiray kooxda Juventus.

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain ayaa waxay sheegayaan in Florentino Pérez uu isku diyaarinayo inuu u safro magaalada London ee dalka England, si uu ugu qanciyo maamulka kooxda Tottenham inuu kala wareego saxiixa Harry Kane.

Pérez ayay wararku sheegayaan inuu diyaar u yahay inuu miiska u saaro maamulka kooxda Tottenham aduun dhan 215 million euros si kaliya uu kala soo wareego laacibka reer England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close