Faafaahinta tababarka ugu horeeyay Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus+ SAWIRO

(Juventus) 30 Luulyo 2018. Xidiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday xarunta kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga, kaasoo loogu diyaar garoobayo xili ciyareedka cusub ee 2018/2019.

Cristiano Ronaldo ayaa kaga soo biiray Juventus kooxda reer Spain ee Real Madrid aduun dhan 100 million ee euro, wuxuuna saxiixay heshiis 4 sano ee gaaraya ilaa iyo 2022.

Ronaldo ayaa ugu horeyn maray baaritaan ku aadan cabirka jirkiisa, wuxuuna fursad u helay inuu la kulmo qaar ka mid ah saaxiibadiis cusub ee kooxda Juventus, sida Paulo Dybala iyo Gonzalo Higuain.

Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Torino diyaaradiisa gaarka ah, kadib marka uu soo dhameestay fasaxiisa xagaaga.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in Ronaldo uu markale dib ugu soo laabtay Torino si uu ugu diyaar garoobo, tababarkiisa ugu horeeya ee kooxda Bianconeri.

Taageerayaasha kooxda Juventus ayaa u arka 30-ka July  ee soo aadan kuna began maalin Isniin ah inay tahay maalin taariikhi u ah Bianconeri.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu horeeyay ee tababarka ee kooxda lagu naaneyso marwada duqda.

Wargeyska Talyaaniga ayaa soo sidoo kale sheegay in Ronaldo uu ciyaari doono kulanka saaxiibtinimo ee 12-ka bisha August ee kooxda Villar Perosa,

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close