“Cristiano waa dhamaad”… madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis oo weeraray Ronaldo

(Juventus) 30 Luulyo 2018. Aurelio De Laurentiis ayaa kaga digay Juventus sida ay ugu qaldanaayeen inay sameeyaan heshiiska Cristiano Ronaldo,.

Cristiano Ronaldo ayaa ku yimid Juventus qiimo dhan 100 million euros, wuxuuna saxiixay heshiis ilaa iyo 2022, iyadoo uu mushaar ahaan u qaadan doono sanadkii 30 million euros.

Madaxweynaha kooxda Napoli  Aurelio De Laurentiis ayaa aaminsan in Juventus aay ku qaldantay in saxiixa Cristiano Ronaldo ay ku soo badashaan qiimo dhan 100 million euros.

“Qiimo lntaas inaad kula soo  saxiixato xidig ku gudi jira dhamadka waayihiisa ciyaareed waa arin halis ah, , waqti yar kadib Cristiano Ronaldo wuxuu joojin doonaa ciyaarista kubada cagta”.

“Waxaan is weydiinayaa hadii guusha ay noqon doonto mid ganacsi ah ama mid isboorti ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close