“Mesut Ozil waa fulay hadana doqon ah”… Halyayga reer Germany Fredi Bobic

(Germany) 29 Luulyo 2018. Laacibkii hore reer Germany Fredi Bobic ayaa ku tilmaamay Mesut Özil mid fulay ah, kadib markii uu ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalimiga ah kadib koobka aduunka ee 2018.

“Aniga ahaan, marka aan runta ka hadlo waa midaan loo dul qaadan karin, eedeymaha cunsurinimada ma ahan mid dhab ah. Waxaan qabaa in is casilaadiisa ay tahay mid fulaynimo ah”.

“Ciyaartooy ahaa kubada cagta, waa inaan noqonaa niman xaqiiqo ah”.

Si kastaba Fredi Bobic ayaa si xoogan u dhaleeceeyay kulankii uu Mesut Özil la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, kahor inta uusan furmin koobka aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close