Eric Abidal oo si shaqsi ah ula xiriiray Ousmane Dembele (Muxuu u sheegay?)

(Barcelona) 29 Luulyo 2018 Agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Eric Abidal ayaa si shaqsi ah ula xiriiray laacibka ay isku dalka yihiin ee Ousmane Dembele.

Weerar yahanka ayaa ka caraysan kooxdiisa Barcelona kadib markii kooxdu ay soo iibsatay laacib ay isku da’yihiin isla makaana ay isku boos yihiin.

Image result for Eric Abidal Ousmane Dembele

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Eric Abidal uu si shaqsi ah taleefanka uga la hadlay Ousmane Dembele, wuxuuna u sheegay inuu muhiim u yahay Barcelona.

Abidal ayaa sidoo kale ka codsaday Ousmane Dembele inuu soo bandhigo xiliciyaareed awood leh, wuxuuna u balan qaaday inuu boos ka helayo shaxda tababare Valverde.

Eric Abidal ayaa isku dayaya inuu soo afjaro qilaafka u dhexeeya haatan Barcelona iyo Ousmane Dembele kaas oo ka dhashay saxiixii Malcom.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close