David Ospina oo ku dhaw inuu ka tago Arsenal

(London) 29 Luulyo 2018 Goolhayaha reer Colombia ee David Ospina ayaa ku dhaw inuu ka tago Arsenal suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Wararka ka imaanaya Turkiga ayaa sheegaya in kooxda Besiktas ay Arsenal hor dhigtay dalab ay ku doonayso David Ospina.

Kooxda reer Turki ayaa ku dalbatay David Ospina lacag dhan 2 milyan oo euro, Arsenal wali kama jawaabin dalabkaas.

Goolhaya ayaa doonaya inuu ka tago Arsenal kadib saxiixii kooxdu ay ku la wareegtay goolhayihii Bayer Leverkusen ee Bernd Leno, wuxuuna dareemayaa inuusan boos ka heli doonin kooxda xiliciyaareedka cusub.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ospina uu heshiis la gaaray kooxda Besiktas isla markaana wuxuu doonayaa inuu ku biiro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close