Unai Emery oo ka hadlay sababtii uu Ozil uga dhigay kabtanka Arsenal kulankii PSG

(Singapore) 28 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ayaa ka hadlay sababtii uu kabtanimada ugu xiray Ozil kulankii galabta ee PSG.

Unai Emery ayaa sheegay in Ozil uu leeyahay shaqsiyad uu ku qaadi karo masuuliyada Arsenal sababtaas darteedna uu ugu xiray kabtanimada kooxda.

Ozil ayaa gool u dhaliyay Arsenal isaga oo kabtan ah isla markaana xiran lambarkiisa cusub ee 10 xili Arsenal ay 5-1 uga adkaatay PSG.

Tababare Emery oo ka hadlay sababtii uu kabtanka kooxda ugu dhiibay Ozil ayaa yiri:

“Waxaan rumaysanahay in Ozil uu qaadi karo masuuliyada kooxda isaga oo kabtan ah, yaanaan hilmaamin Koscielny oo ah kabtan”.

“Sidoo kale Petr Cech iyo Ramsey dhawr kulan ayeey xirteen kabtanimada kooxda, waxaa laga yaabaa inaan ku fikirayo laacib kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close