Miralem Pjanić oo ugu dambeyn ka baxay aamusnaanta kana hadlay wararka ku aadan inuu ka tagayo Juventus

(Juventus) 28 Luulyo 2018.  Xidiga khadka dhexe reer Bosnia Miralem Pjanić ayaa ka hadlay wararka ku aadan inuu doonayo u dhaqaaqista kooxda Manchester City inta lagu jiro suuqan xagaaga.

Miralem Pjanić ayaa u sheegay shabakada caalamiga ah ee ESPN inuusan meelna kaga soconin kooxdiisa reer Talyaani ee Juventus.

“Waxaa jiray warar badan ee been abuur ah, waxaan si buuxdo diirada u saarayaa diyaar garowga xili ciyaareedka cusub”.

“Sidii aan horey u sheegay waxa jira warar khaldan oo hada socda”.

Warar dhowr ah ayaa sheegay in Miralem Pjanić uu ka tagayo Juventus suuqan xagaaga, si uu ugu biiro midkood kooxaha Barcelona iyo Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close