Ancelotti oo ka hadlay wararka Edinson Cavani la xiriirinaya kooxdiisa Napoli

(Naples) 28 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Napoli ee Cralo Ancelotti ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xiriirinaya saxiixa Edinson Cavani.

Mustaqbalka Edinson Cavani ee kooxda PSG ayaa shaki wayn la galinayaa, waxaana jira warar sheegaya in laacibku uu ka tagayo kooxda reer France suuqa xaggaagan.

Laakiin tababare Ancelotti ayaa beeniyay wararka sheegaya in kooxdiisu ay la soo wareegayso weerar yahanka PSG ee Edinson Cavani.

“Edinson Cavani? Kaliya waa warar suuqeed, waxaan haysanaa koox ciyaartoy ah oo cajiib ah, aniguna nasiib ayaan ku leeyahay inaan tababaro” ayuu yiri Ancelotti.

“Wargaysyo badan ayaan aqriyay oo sheegaya inaan Napoli waydiistay in la keeno ciyaartoy waa wayn, balse waxaan halkaan u joogaa inaan la dhacay mashruuca Napoli”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close