Waqtiga Ronaldo uu tababarka ugu horeeya la qaadan doono Juventus oo la ogaaday

(Torino) 27 Luulyo 2018 Cristiano Ronaldo ayaa ku biiray horaantii bishaan kooxda reer talyaani ee Juventus, laacibka ayaana sii watay fasaxiisa xaggaaga.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay qorshaysay waqtiga rasmiga ah ee laacibku uu la bilaabayo kooxda tababarka isku diyaarinta xiliciyaareedka cusub.

Sida ay qorshaysay Juventus, Cristiano Ronaldo ayaa gaaraya magaalada Torino 4 ama 5-ta August si uu u bilaabo isku diyaarinta xiliciyaareedka cusub.

Haddii Ronaldo uusan ka soo dib dhicin waqtiga la qorsheeyay, wuxuu tababarka ugu horeeya la qaadan doonaa kooxda 6-da August oo ku beegan isniinta soo socota isniinteeda kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close