“Waan caawin doonaa Neymar Jr”…. Thomas Tuchel

(PSG) 27 Luulyo 2018.Tababaraha cusub ee kooxda Paris Saint-Germain, Thomas Tuchel, ayaa doonaya inuu dib u helo qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Neymar Jr ka dib niyad jabkii Koobka Aduunka 2018.

Thomas Tuchel ayaa sheegay in qof walba ee ku sugan kooxda Paris Saint-Germain uu isku dayayo in Neymar Jr uu siiyo farxad kadib eedeymihii uu kala kulmay koobka aduunka.

“Qof kasta oo ka tirsan kooxda waxa uu doonayaa inuu dareemo raaxo sida ugu dhaqsaha badan, si uu u ilaawo wixii dhacay intii lagu jiray Koobka Aduunka”.

“Waa ciyaaryahan weyn, geesinimo leh yaqaanana sida loola tacaalo guuldarada”.

Si kastaba xidiga reer Brazil, oo wali ku maqan fasax, ayaa lagu dhaleeceeyay heerkiisa xun iyo isku daygiisa ku aadanaa in si joogta ah uu dhulka isugu xoori jiray si uu u qiyaameeyo garsoorka.

Laakiin tababaraha cusub ee kooxda Paris Thomas Tuchel ayaa loo tixgelinayaa inuu awoodi karo in Neymar Jr uu markale dib u heli doono awoodiisa ciyaareed.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close