Unai Emery oo xaqiijiyay in mid kamid ah xiddigaha Arsenal uu saxiixayo heshiis cusub (Ma ahan Ramsey)

(London) 27 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa xaqijiyay inuu ogyahay in mid kamid ah xiddigaha kooxda uu saxiixayo heshiis cusub.

Unai Emery ayaa sheegay inuu macluumaad ku helay in Alex Iwobi uu ku dhawyahay inuu kooxda u saxiixo heshiis cusub.

Alex Iwobi ayaa qalinka ugu duugaya Arsenal heshiis 5-sano ah, waxaana kor loo qaadayaa mushaarkiisa oo la gaarsiinayaa ilaa 70 kun oo Ginni isbuucii.

Tababare Unai Emery ayaa la waydiiyay heshiis kordhinta Alex Iwobi ka hor kulanka barri ee PSG, wuxuuna yiri:

“Waxaan helay macluumaad ku aadan in Alex Iwobi uu ku dhawyahay inuu saxiixo heshiis cusub, wuxuu saxiixayaa heshiis cusub waana uu nala sii joogayaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close