RASMI: Monaco oo dhamaystirtay saxiixa Aleksandr Golovin

(Monaco) 27 Luulyo 2018 Kooxda AS Monaco ayaa dhamaystirtay saxiixa laacibkii kooxda CSKA Moscow ee Aleksandr Golovin.

Aleksandr Golovin ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa cusub ee AS Monaco heshiis dhan 5-sano, kooxda reer France ayaana ku la soo wareegtay lacag kor u dhaafaysa 30 milyan oo euro.

22 jirkaan reer Ruush ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub ee AS Monaco lambar “17” waana isla lambarkii uu u xiran jiray kooxdiisii hore iyo waliba xulkiisa.

Monaco ayaa uga adkaatay saxiixa Aleksandr Golovin kooxo badan oo ay hor boodayso Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close