PSG oo isaga hartay tartanka saxiixa Jerome Boateng (Maxaa dhacay?)

(Paris) 27 Luulyo 2018 Kooxda reer France ayaa si lama filaan ah uga baxday tartanka saxiixa daafaca kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng.

PSG ayaa kula tartamaysay saxiixa daafaca reer Jarmal kooxo ay hogaaminayso Manchester United, laakiin haatan waa ay ka baxday tartanka.

Wargayska L’Equipe ayaa daaha ka qaaday in kooxaha PSG iyo Bayern Munich ay ku fashilmeen inay isku afgartaan qiimaha laacibka.

PSG ayaana go’aansatay inay ka baxdo tartankii ay ugu jirtay saxiixa 29 jirka daafaca uga ciyaara Bayern Munich.

Tilaabada PSG ayaa fursad fiican u ah kooxda tababare Jose Mourinho oo laga yaabo inay la wareego Jerome Boateng suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close