Messi oo diiday in Barcelona ay la wareegto laacib kaan iyo labo sabab oo uu ku diidayo oo la ogaaday!

(Barcelona) 27 Luulyo 2018 Hogaamiyaha qarsoon ee Barcelona ayaa diiday saxiix ay kooxdu doonaysay inay dhamaystirto suuqa xaggaagan.

Barcelona ayaa diirada saaratay laacibka reer France ee kooxda Sevilla ee Steven Nzonzi kadib markii ay ku guul daraysatay dhamaystirka saxiixa Adrien Rabiot.

Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Lionel Messi uu ka hor yimid in Steven Nzonzi uu ku soo biiro Barcelona maadaama da’diisu ay wayntahy.

Image result for N'zonzi vs Messi

Steven Nzonzi ayaa dhamaadka sanadkaan noqonaya 30 jir, kooxdiisa ayaana ku doonaysa lacag dhan 40 milyan oo euro.

Sababta labaad ee Messi uu u diidayo in Barcelona ay la soo wareegto Steven Nzonzi ayaa ah inuusan ku haboonayn qaab ciyaareedka kooxda reer Catalonia.

Messi ayaa ka doonaya maamulka Barcelona inay kooxda keenaan laacibka Ajax ee Frenkie de Jong.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close