Maxaa ku soo kordhay wadahadaladii u dhexeeyay Real Madrid iyo Chelsea ee saxiixa Eden Hazard?

(Madrid) 27 Luulyo 2018 Real Madrid ayaa hormar balaaran ka samaynaysa saxiixa kubadd abuuraha reer Belgium ee Eden Hazard.

Sida ay baahisay Daily Star, Real Madrid ayaa aqbashay inay bixiso qiimaha Chelsea ay ku doonayso Eden Hazard oo ah 178 milyan oo Ginni.

Real Madrid ayaa ogolaatay inay bixiso qiimahaan kadib markii ay ka war heshay in Barcelona ay qayb ka tahay tartanka saxiixa Eden Hazard.

Maamulka kooxda boqortooyada Spain ayaa u arka Hazard badalka ku haboon ee Cristiano Ronaldo kaas oo ku biiray xaggaagan Juventus.

Maalmaha soo socda ayaana la filayaa in Real Madrid ay dhamaystirto saxiixa laacibka reer Belgium.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close