Jurgen Klopp oo ka jawaab celiyay hadaladii uu dhawaan Jose Mourinho kaga hadlay kooxda Liverpool

(Liverpool) 27 Luulyo 2018. Macalinka kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa ka jawaab celiyay hadaladii uu dhawaan ku weeraray dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa sheegay kadib saxiixyada uu Jürgen Klopp ka sameeyay suuqan xagaaga inay muhiim tahay inuu ku hogaamiyo Reds xili ciyaareedka cusub  ku guuleystaan koobab.

Laakiin Jürgen Klopp oo ka jawaab celinayay hadalka Mourinho ayaa u sheegay wargeyska “The Sun” inuusan jirin wax isbadal ee aad u weyn.

“Uma maleynayo inuu jirto isbedel weyn, kaliya waxaa laga yaabaa in taageerayaasha qaarkood ay inoogu kalsoonaadaan, laakiin tani ma bedesho xaalada.

“Haa, hadafkeenu waa inaan horumarino kooxda sanad walba, hadii aad sidaa sameyso, fursadaada guuleysiga wey sii weyneysaa, lakiin waa inaanan ilaawin in kooxaha kale aysan seexan”.

“Manchester City weli waa koox weyn. Sidoo kale kooxaha Chelsea, Arsenal, iyo Tottenham”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close