Barcelona oo qaaday tilaab shaki galinaysa mustaqbalka Yerry Mina

(Barcelona) 27 Luulyo 2018 Kooxda Barcelona ayaa qaaday tilaab shaki galinaysa mustaqbalka daafaca reer Colombia ee Yerry Mina.

Daafacaan ayaa ku biiray Barcelona bishii Janaayo, laakiin wuxuu ku guul daraystay inuu boos joogto ah ka helo kooxda iyo inuu qanciyo tababare Valverde.

AS ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay fasaxa u dheereysay laacibkeeda Yerry Mina, waxaana la siiyay 6-maalin oo dheeri ah.

Waxaa la filayay in laacibku uu dib ugu soo laabto tababarka kooxda 31-da bishaan, laakiin kooxda ayaa ku wargalisay inuu maqnaado ilaa 6-da August.

Arinkaan ayaa loo fasirtay in kooxdu ay ku guda jirto qaabkii ay amaah ugu diri lahayd suuqa xaggaagan ama xitaa ay u wada iibin lahayd.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close