Massimiliano Allegri oo ka warbixiyay booska uu Cristiano Ronaldo kaga ciyaari doono kooxda Juventus

(Juventus) 26  July 2018. Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa wuxuu shaaca ka qaaday booska uu Cristiano Ronaldo kaga ciyaari doono shaxda Bianconeri xili ciyaareedka soo aadan.

Allegri ayaa carabka ku adkeeyay inuusan wax isbedel ah ku sameyn doonin booska uu Cristiano Ronaldo kaga ciyaari jiray Real Madrid sanadihii ugu danbeysay,

Macalinka reer Talyaani ee Massimiliano Allegri ayay sheegay in Cristiano Ronaldo uu si xoogan ugu dhawaan doono goolka isla markaana uusan ka ciyaari doonin weerarka garabka bidix.

“Ronaldo wuxuu ka ciyaari doonaa isla booska uu kaga ciyaari jiray Real Madrid, isla markaana uu kaga caadeestay inuu goolal ka dhaliyo”.

“Waxaan heysanaa koox fantastik ah, Cristiano Ronaldo, João Cancelo iyo Emre Can waxay naga caawin doonaan wax badan, aan aragno waxa dhaca”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close