David Silva oo ka hadlay xiliga uu ka tagi doono kooxda Manchester City

(Manchester) 26 Luulyo 2018. David Silva ayaa wuxuu xaqiijiyay inuusan u saxiixi doonin Manchester City heshiis cusub.

Khadka dhexe reer Spain ayaa soo idlaanaya heshiiska uu haatan uu ku joogo kooxda Manchester City ilaa iyo sanada 2020, wuxuuna sheegay inuusan heshiis kale saxiixi doonin.

“Marka uu soo idlaado qandaraaska aan kula jiro kooxda Manchester City, waxaan jiri doonaa 34 sano jir”.

“Waxaa laga yaabaa inaan doonayo inaan sameeyo waxyaabo kale waxyaabo cusub ee gaar ah”.

“Ma garanayo waxaan sameen doono, laakiin ma u ciyaari doono koox kale oo England ka ciyaarta hadii aan ka tago Manchester City”.

“Waan ku raaxeystay kubada cagta Manchester City, sidaas darteed waana ku faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo horyaalka Premier League”.

Goool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close